Featured post

12m x 24m - "Naqshad Guri Qasriya oo Koorne ah" -- Detached Buildings

Faahfaahinta Naqshada (12m x 25m)

Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Guri Villa ah Jiingad Qaris ah oo uu cabirka dhulka u uku fadhiyaa uu yahay (12m x 24m). Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 288 sqm.

Gurigan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob koorne ah oo laba wajahadood leh, oo kala ah 12m iyo 24m. Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga waa dhisme. Goobtan oo waliba ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.

Gurigan waxa loogu talo galay qoys aalaadhan, waxaana uu ka kooban yahay tiraba Shan Qol oo aanay ku ku jirin kitchen-ka iyo qolka dukaanka ah ee wadada u jeedaa. Qolalka kale Waxa ugu horeeya hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa kale oo uu gurigu leeyahay saddex qol oo kale oo hurdo ah. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 29 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weynaha  iyo store gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca kitchen-kii, qol dukaan ah oo wadada ku jeeda iyo suuli dibada ah. Gurigu  waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh

1aad: 3D Picture, Naqshad Dhisme Koorne ah -- Detached Building--12m by 24m

2aad: 3D Picture, Naqshad Dhisme Koorne ah -- Detached Building--12m by 24m

 

Comments