Featured post

15m by 22m - Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah - Noocoodu yahay Semi-Attached Buildings

 Faahfaahinta Naqshada 


Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Laba Guri oo Dhinac iskaga dhagan oo  cabirka dhulka ay ku fadhiyaan uu yahay 15m x 22m. Dhisman Gurigiiba waxa uu ku fadhiyaa cabir dhan 7.5m x 22m. Dhismahan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahadeedu tahay 15m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga waa dhisme


Goobtan oo waliba ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Dhismahan labada Guri ka koobani  bedka uu ku fadhiyaa waa 330 sqm. Labada Guri mid kastaaba waxa uu bedkiisu noqonayaa 165 sqm.  Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.

Building Details

                L          = 22 m    
                W        = 15 m 
                PA      = 330 sqm
                BC      = 233 sqm
                BCR   = 70.6 %
                BV      = 924 cum
                BVP   = 2.8
                Type    = Semi Attached Building


Dhismahani waxa uu ka kooban yahay Laba  Guri oo Isku Dhagsan, saqafna wadaaga oo isku sar go'an. Gurigiiba waxa uu ka kooban yahay tiraba Afar  Qol oo aanay ku ku jirin kitchen-ka iyo suuligii dadweynaha. Qolalka waxa ugu horeeya hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa kale oo uu gurigu leeyahay saddex qol oo kale oo hurdo ah. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weynaha oo gudaha ah. Waxa kale oo intaa kuu raaca kitchen-kii oo dibada ah. Labada Guriba waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh


2aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.
2aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.

3aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.
3aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.

4aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.
4aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.

5aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.
5aad: 3D Picture -- Naqshad Dhisme Laba Guri oo Dhex ah, Dhinacna Iskaga Dheggen.

Comments