Featured post

14m x 24m -Two Houses - Attached Buildings - Naqshad Laba Guri oo Dhex ah

Faahfaahinta Design-ka 

Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design laba guri oo dhex ah oo cabirka dhulka ay ku fadhiyaan uu yahay 14m x 24m, isla markaana uu bedkoodu noqonayo 336 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob dhex ah oo hal waji leh, oo ah 14 m.  Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay waa goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu mid kastaaba ku fadhiyaa cabirka ah 10m x 12m, marka laga yimaado gaadhi galeenka oo cabirkiisu yahay 4m iyo 24m, waxaana uu qaadi kara tiraba 3 gaadhi oo la is daba dhigo. 

Building Details

                L          = 24 m    
                W        = 12 m 
                PA      = 336 sqm
                BC      = 240 sqm
                BCR   = 71.4 %
                BV      = 1054 sqm
                BVP   = 3.1
                Type    = Attached Buildings


Guryahan waxa loogu talo galay in kireeyo, waxaana ay ka kooban yihiin mid kastaaba, afar qol, bath, suuli iyo kitchen-kii mid kastaaba. hurdadii mudanaha (Master Room) oo wata kaba-dhigii iyo bath-kii, qol fadhiga (Sitting Room) iyo laba qol oo kale oo hurdo ah, kitchen-kii iyo suuligii dadweynaha. Gurigan waxa loogu tala galay qoys  aroos cusub ah oo kiroole ah.

Waxa loogu talo galay amba dalabkooda uu ahaa shaqsi doonayey inuu ka dhigo guryo kiro ah maadaama oo dalabka kirada guryahan yar yari uu badan yahay. Waa laba guri oo istaahil ku ah kiroolahayaasha. 


Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso gurigan oo kale, amba faahfaahinta designka, ambase design dookhaaga ah aad baahan tahay iyo sidoo kale qiimo sheeg ah inta uu ku kici karo dhiskoodu waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh

1aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
1aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 


2aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
2aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 


3aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
3aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 

4aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
4aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 

5aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
5aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 

6aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions.
6aad: 3D Pic of Two Attached Houses with 14m and 24m Dimensions. 

Comments