- Get link
- X
- Other Apps
Featured post
- Get link
- X
- Other Apps
Faahfaahinta Design-ka
Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design laba guri oo dhex ah oo cabirka dhulka ay ku fadhiyaan uu yahay 14m x 24m, isla markaana uu bedkoodu noqonayo 336 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob dhex ah oo hal waji leh, oo ah 14 m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme.
Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay waa goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu guri kastaaba ku fadhiyaa cabirka ah 7m x 24m. Guri kastaa waxa uu leeyahay qol dukaan ah oo wadada ku jeeda iyo gaadhi galeen cajiiba.
Building Details
L = 24 m
W = 14 m
PA = 336 sqm
BC = 247 sqm
BCR = 73.4 %
BV = 1037 sqm
BVP = 3.09
Type = Attached Buildings
Guryahan waxa loogu talo galay in kireeyo, waxaana ay ka kooban yihiin mid kastaaba, saddex qol, bath, suuli iyo kitchen-kii. hurdadii mudanaha (Master Room) oo wata bath-kii, qol fadhiga (Sitting Room) iyo qol kale oo hurdo ah, kitchen-kii iyo qol dukaan ah oo 15 sqm ah. Gurigyahan labada ah waxa loogu talo galay amba dalabkooda uu ahaa shaqsi doonayey inuu ka dhigo guryo kiro ah maadaama oo dalabka kirada guryahan yar yari uu badan yahay. Waa laba guri oo istaahil ku ah kiroolahayaasha arooska cusub ah.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso gurigan oo kale, amba faahfaahinta designka, ambase design dookhaaga ah aad baahan tahay iyo sidoo kale qiimo sheeg ah inta uu ku kici karo dhiskoodu waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .
Allaa Mahad Leh
![]() |
1aad: 3D Sawir -- Naqshad Laba Guri oo Dhex ah -- 14m x 24m |
![]() |
2aad: 3D Sawir -- Naqshad Laba Guri oo Dhex ah -- 14m x 24m |
![]() |
3aad: 3D Sawir -- Naqshad Laba Guri oo Dhex ah -- 14m x 24m |
![]() |
4aad: 3D Sawir -- Naqshad Laba Guri oo Dhex ah -- 14m x 24m |
Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.