12m x 30m - Detached - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah,

Faahfaahinta Naqshada

Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Guri ah oo cabir ahaan noqonaysa dhul balac iyo dherer u ah (12 m x 30 m). Gurigu bedkiisu (Plot Area) waa 252 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob dhex ah oo hal waji leh, oo ah 12 m.  Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay waa goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.

Building Details

                L          = 12 m    
                W        = 30 m 
                PA      = 360 sqm
                BC      = 220 sqm
                BCR   = 61 %
                BV      = 920 sqm
                BVP   = 2.56
                Type    = Detached Building

Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay shan qol, qol Dukaan ah ah iyo qol kitchen-ka ah.  Waxa ugu horeeya Hurdada mudanaha (Master Room) oo wata bath iyo kaba-dhigiisii, bedkooduna isku noqonayo 32 sqm. Waxa ku xiga saddex qol oo hurdo ah, maadaama oo ay reerka guriga dalbaday ay caruur badan lahaayeen. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 37 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo barandaha guriga ku yaala kitchen-kii. sidoo kale qokii dukaan-ka ayaa isna ku yaala dibada oo ku jeeda wadada. Gurigu waa jiingad qaris oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.


Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh. 

 

Allaa Mahad Leh


1aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
1aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 





2aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
2aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 


3aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
3aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 

4aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
4aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 

5aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
5aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 

6aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah
6aad: 3D Pic Detached - 12m x 30m - Naqshad Dhisme Guri Waafiya oo Dhex ah 

 




Comments