Featured post

12m x 24m -- Naqshad Dhisme Laba Guri Koorne ku Yaala -- Semi-Attached Buildings

Faahfaahinta Design-ka 

Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design laba guri oo Koorne ah oo cabirka dhulka ay ku fadhiyaan uu yahay 12m x 24m, isla markaana uu bedkoodu noqonayo 288 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob koorne ah oo laba waji leh, oo midi noqonayo 12 m, halka wajiga kalena uu noqonayo 24m.  Labda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay waa goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Labda Guriba waxay leeyihiin Gaadhi Galeen qaadi kara hal gaadhi. 

Whole Building Details

                L          = 24 m    
                W        = 12 m 
                PA      = 288 sqm
                BC      = 207 sqm
                BCR   = 71.9 %


Dhismaha Koowaad:

Dhismaha koowaad cabirka dhulka uu ku fadhiyaa waa  12m x 14m, bedkiisuna waa 168 sqm, waana dhisme jiingad qarisa oo laba waajahadood leh. Waji ka mid ahi waa 14m, wajiga kalena waa 12m. Waxaana uu ka kooban yahay Afar Qol oo waafiya. Waxa ugu horeeya waa Qolka hurdada (Master Roomka) oo leh Bath iyo Kaba-dhigiisii, bedkooduna isku yahay 25 sqm. Waxa ku xigaa waa laba qol oo hurdo ah, oo kale oo loogu talo galay martida iyo caruurta. Qolka Afaraad waa Qolka Fadhiga iyo Cuntada, oo leh bed 27 sqm ah. Waxa intaa kuu raaca oo gurigu leeyahay Suuligii dadweynaha oo gudaha ah, kitchenkii iyo Gaadhi Galeen qaadi kara hal gaadhi. 

Fist Building Details

                L          = 14 m    
                W        = 12 m 
                PA      = 168 sqm
                BC      = 116 sqm
                BCR   = 69.05 %

Dhismaha Labaad:

Dhismaha labaad cabirka dhulka uu ku fadhiyaa waa  10m x 12m, bedkiisuna waa 120 sqm, waana dhisme kiinji ah oo wajahad kaliya leh, waana 10 m. Waxaana uu ka kooban yahay Saddex Qol oo waafiya, Kichenkii iyo Suuli Dadweyne. Qolka ugu horeeya waa Qolka hurdada (Master Roomka) oo leh Bath iyo Kaba-dhigiisii, bedkooduna isku yahay 22 sqm. Waxa ku xigaa waa hal qol oo hurdo ah oo loogu talo galay caruurta. Qolka Saddexaad waa Qolka Fadhiga iyo Cuntada, oo bedkkiisu yahay 27 sqm. Waxa intaa kuu raaca oo gurigu leeyahay Suuligii dadweynaha oo gudaha ah, kitchenkii iyo Gaadhi Galeen qaadi kara hal gaadhi. 

Second Building Details

                L          = 12 m    
                W        = 10 m 
                PA      = 120  sqm
                BC      = 91 sqm
                BCR   = 75.8 %


Gunaanad:

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso gurigan oo kale, amba faahfaahinta designka, ambase design dookhaaga ah aad baahan tahay iyo sidoo kale qiimo sheeg ah inta uu ku kici karo dhiskoodu waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh


1aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah
1aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah 


2aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah
2aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah 


3aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah
3aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah 


4aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah
4aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah 


5aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah
5aad: 3D Design Pic: 12m by 24m Naqshad Dhisme Laba Guri oo Koorne ah  


 


Comments