Faahfaahinta Naqshada
Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Guri ah oo cabir ahaan noqonaysa dhul balac iyo u ah (12 m x 18 m). Gurigu bedkiisu (Plot Area) waa 216 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob dhex ah oo hal waji leh, oo ah 12 m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay waa goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.
Building Details
Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay Afar qol, qol service ah iyo qol kitchen-ka ah. Waxa ugu horeeya Hurdada Mudanaha (Master Room) oo wata bath iyo kaba-dhigiisii, bedkooduna isku noqonayo 36 sqm. Waxa ku xiga laba qol oo hurdo ah, maadaama oo ay reerka guriga ay caruur badan qorshaynayeen inay dhalaan. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 28 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, iyo qokii service-ka dibada ah. Gurigu waa jiingad qaris oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh.
Allaa Mahad Leh
![]() |
| 1aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |
![]() |
| 2aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |
![]() |
| 3aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |
![]() |
| 4aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |
![]() |
| 5aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |
![]() |
| 6aad: Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo 12 m by 18 m ah Semi-Detached Building. |






Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.