Waa Naqshad Guri Xaasle ah oo Cabirkiisu yahay (9m by 22m)



Faahfaahinta Design-ka 

Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri villo ah oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (9m x 22)

Gurigu waxa loo design gareeyey in laga dhiso goob dhex oo wajahad kaliya leh. Gurigu waxa uu leeyhay wajahad 9 m ah. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 198 sqm. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi kara ilaa laba gaadhi oo yar. 

Gurigan waxa loogu tala galay qoys caruur badan leh waana sababta loo badiyey ee 5ta qolalka hurdada marka lagu daro qolka Hurdada Mudanaha oo leh Bath Gudaha. Qolka Fadhiga bedkiisu waa 21 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 9 sqm, halka qolka mudanuha bedkiisuna yahay 16 sqm.

Gurigani waxa uu ka kooban yahay; 6 Qol oo kala ah: Qolkii Lamaanaha (Master Room) oo Bath gudaha ah leh, 4 qol oo kale oo Hurdo ah, qolkii fadhiga iyo cuntada, kichen-kii iyo 2 Suuli dadweynaha). ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba. 

Waxa loogu talo galay amba dalabkooda uu ahaa family caruur badan leh oo u baahnaa inay dagaan, maadaama oo budget kooban ay haysteen, waa guri aad u wacan oo kuwada filan.

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh





#Sitting_Room
#5BedRooms
#Master_Room
#Bath and WSC
#Kitchen
#2Toilets
#CarPark

1st 3D Dsign of built in ablot of land with (9m x 22m)
1st 3D Dsign of built in a blot of land with (9m x 22m)

2nd 3D Dsign of built in ablot of land with (9m x 22m)
2nd 3D Dsign of built in ablot of land with (9m x 22m)

3rd 3D Dsign of built in ablot of land with (9m x 22m)
3rd 3D Dsign of built in ablot of land with (9m x 22m)


Comments