12m x 18m -- Naqshad Laba Guri oo ku Yaala Koorne -- Semi-Detached and Attached House in a Corner

Faahfaahinta Naqshada

 

Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Laba Guri ah oo uu cabirka dhulka ay fadhiyaan uu yahay (12m x 18m). Guri kastaa waxa uu ku fadhiyaa Cabir ah (9m x 12m). Labada Guri bedka ay fadhiyaan waa 216 sqm, halka midkastaa bedka uu ku fadhiyaa yahay 108 sqm. 

Guryahan waxa loo naqshadeeyey labada guri in uu mid ka mid ahi xigo koornaha, halka kalena uu noqonayo in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh. Goobtan oo waliba ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Labdan Guri mid ka mid ahi waxa uu leeyahay laba wajahadood oo 12m iyo 9m ah, halka guriga kalena uu yeelanayo wajahad kaliya oo 9m ah. Dhinacyada kale guryaha waxa ka xiga dhisme. Labadan guri mid kastaaba waxa uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.

Guryahan waxa loogu talo galay qoys aan caruur badan lahayn, waxaana uu ka kooban yahay guri kastaaba  hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii, qol kale oo hurdo ah, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 19 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weynaha iyo kitchen-kiisi. 

 

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .

 

Allaa Mahad Leh


1st 3D Design of Two House on a Field of (12m x 18m)
1st 3D Design of Two Houses on a Field of (12m x 18m)  



2nd 3D Design of Two Houses on a Field of (12m x 18m)
2nd 3D Design of Two Houses on a Field of (12m x 18m) 



3rd 3D Design of Two Houses on a Field of (12m x 18m)
3rd 3D Design of Two Houses on a Field of (12m x 18m) 



Comments

Post a Comment

Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.