Naqshad Laba Guri oo ku Fadhiya Dhul Cabirkiisu Yahay (9m x 15)

Faahfaahinta Design-ka


Hoos waxa kaaga muuqda naqshad laba guri ah oo cabirka ay ku fadhiyaan ee laga dhisay uu yahay (9m x 15m). Labadan guri midkiiba waxa uu ka kooban yahay 3 qol, kitchen, bath iyo suuli dadweyne.


Waxa loogu talo galay in laga dhiso dhul bedkiisu yahay 135 sqm. Labadan guri waxa loo design gareeyey in laga dhiso goob dhex oo wajahad kaliya leh oo 15m ah. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. 


Gurigan waxa loogu tala galay in laga kireeyo xaasley aan caruur badan lahayn. Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design dookhaaga ka turjumaya oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimayn ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodu waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .



Allaa Mahad Leh


3D Design of two houses with dimensions of (9m x 15m)
3D Design of two houses with dimensions of (9m x 15m)