- Get link
- X
- Other Apps
Featured post
- Get link
- X
- Other Apps
Faahfaahinta Naqshada
Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Aqal dhex oo leh saqaf kiinji ah, cabir ahaana noqonaya balac iyo dherer (12 m x 20 m). Gurigu bedkiisu (Plot Area) waa 240 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob Dhex ah oo wajahad kaliya leh, oo noqonaysa 12 m. Ku darsoo naqshadani waa semi detached building oo macnaheedu yahay waxay dhinac ahaan ku qabsan tahay dhismaha agteeda, halka labada dhinac ee kalena ay ka soo go'an tahay. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.
Building Details
L = 20 m
W = 12 m
PA = 240 sqm
BC = 183 sqm
BCR = 76 %
BV = 827 cum
BVP = 3.8
Type = Semi-Detached
Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay afar qol, qol dukaan ah iyo qol-ka kitchen-ka. Waxa ugu horeeya Hurdada mudanaha (Master Room) oo wata bath iyo kaba-dhigiisii, bedkooduna isku noqonayo 27 sqm. Waxa ku xiga laba qol oo hurdo ah, maadaama oo ay reerka guriga loogu talo galay ay caruur badan qorshaynayeen inay dhalaan. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 31 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, qolka dukaanka oo wadada ku jeeda iyo suuli dadweyne dibada ah. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxaana ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh.
Allaa Mahad Leh
![]() |
1st 3D Design of Single House with dimensions (12m x 20m) by MAJDA |
![]() |
2nd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 20m) by MAJDA |
![]() |
3rd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 20m) by MAJDA |
![]() |
4th 3D Design of Single House with dimensions (12m x 20m) by MAJDA |
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Mnsha allaH waan ka helay qaabka aad nashqadaha u samaysid
ReplyDeleteHalkaa inaad kasii waddo dadaalka isla markaana aad soo kordhiso nashqado kale oo quruxbadan islamarkaana waxtarleh ayaan rajaynayaa
Majda architect