12m & 18m -- Semi Detached Building -- Naqshad Dhisme Villa Dhex ah, Dhagax Wajahada ah leh

Faahfaahinta Naqshada (12m by 18m)

 

Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Dhisme Villa ah oo uu cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (12m x 18m). Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 216 sqm. 

Gurigan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex oo leh wajad cabirkeedu yahay 12m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.

Gurigan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay afar qol oo hurdo ah marka lagu daro hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath-kiisii. Qolka Afaraad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 34 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada deyrka guriga ku yaala kitchen-kii, qol store ah iyo suuli dadweyne. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.

 

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale in qudhiisa naqshada wax laga badalo, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh. 

 

Allaa Mahad Leh


1st 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA
1st 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA



2nd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA
2nd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA


3rd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA
3rd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA


4th 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA
4th 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA


5th 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA
5th 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m)  by MAJDA




Comments