Featured post

12m x 24m -- Detached -- Naqshad Guri Dhex ah oo Koorne Noqon karta

 

Faahfaahinta Naqshada (12m x 24m)


Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Guri dhex ah oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (12m x 24m). Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 288 sqm.

Gurigan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh. Goobtan oo waliba ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Gurigu waxa uu leeyahay wajahad kaliya oo ah 12m. Saddexda  dhinac ee kaleba waxa ka xiga gurigu waa dhisme. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.

Building Details

                L          = 24 m    
                W        = 12 m 
                PA      = 288 sqm
                BC      = 208 sqm
                BCR   = 72.2 %
                BV      = 827 cum
                BVP   = 2.8
                Type    = Detached Building

Gurigan waxa loogu talo galay qoys balaadhan, waxaana uu ka kooban yahay tiraba Shan Qol oo aanay ku ku jirin kitchen-ka iyo qolka service-ka ah ee daarada dibada ah. Qolalka waxa ugu horeeya hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa kale oo uu gurigu leeyahay saddex qol oo kale oo hurdo ah. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 33 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weynaha  oo gudaha ah. Waxa kale oo intaa kuu raaca kitchen-kii, qol serivie-ka iyo suuli dibada ah. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa waxaana ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh


First 3D Design of a Villa House with (12m x 24m) Dimensions by MAJDA
First 3D Design of a Villa House with (12m x 24m) Dimensions by MAJDA



Second 3D Design of a Villa House with (12m x 24m) Dimensions by MAJDA
Second 3D Design of a Villa House with (12m x 24m) Dimensions by MAJDA


Comments