Naqshad Guri Cabirkiisu Yahay (9m x 24m)

Faahfaahinta Design-ka 


Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri Villa ah oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (9m x 24m). Guriga waxa loo naqshadeeyey  in laga dhiso goob koorne ah oo laba wajahadood leh. Guriga wajahadi waa  9m, midna waa 24m. Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 216 sqm. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi gaadhiga qoyska. 


Gurigan waxa loogu tala galay qoys caruur leh waana sababta loo badiyey ee 5ta qolalka hurdada looga dhigay marka lagu daro qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh Bath Gudaha ah. Qolka lixaad, qolka fadhiga, oo bedkiisu yahay 21 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 13.5 sqm, halka qolka mudanuha bedkiisuna yahay 18 sqm.


Gurigani waxa uu ka kooban yahay; 6 qol oo kala ah qolkii lamaanaha (Master Room) oo Bath gudaha ah leh, 4 qol oo kale oo hurdo ah, qolkii fadhiga iyo cuntada, kichen-kii iyo 2 Suuli dadweynaha). ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba. 


Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh



9m by 24m Design of By MAJ Architect,
(9m by 24m) Corner Design with 2 Sides of Road.