Faahfaahinta Design-ka
Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri wacan oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (12m x 12m). Guriga waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob koorne ah oo laba wajahadood leh. Guriga wajahadi waa 12m, midna waa 12m. Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 144 sqm. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi gaadhiga qoyska.
Gurigan waxa loogu tala galay qoys aan caruur badan lahayn, waxaana uu ka kooban yahay saddex qol hurdada marka lagu daro qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh Bath Gudaha ah. Qolka Afaraad, qolka fadhiga, oo bedkiisu yahay 20 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 12 sqm, halka qolka mudanuhana uu bedkiisu yahay 18 sqm.
Gurigani waxa uu ka kooban yahay; Afar qol oo kala ah qolkii lamaanaha (Master Room) oo Bath gudaha ah leh, laba qol oo kale oo hurdo ah, qolkii fadhiga iyo cuntada, kichen-kii iyo Suuli dadweynaha) ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .
Allaa Mahad Leh
![]() |
| 1st 3D Designof Single House with (12m x 12m) by MAJDA Architecht |
![]() |
| 2nd 3D Designof Single House with (12m x 12m) by MAJDA Architecht |
![]() |
| 3rd 3D Designof Single House with (12m x 12m) by MAJDA Architecht |
![]() |
| 4th 3D Design of Single House with (12m x 12m) by MAJDA Architecht |




Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.