Faahfaahinta Naqshada
Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Guri Villa ah oo uu cabirka dhulka u uku fadhiyaa uu yahay (12m x 18m). Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 216 sqm. Gurigan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob koorne ah oo laba wajahadood leh.
Gurigu labada wajahadood ee uu leeyahay mid ka mid ah cabirkeedu waa 12m, halka ta kalena ay tahay 18m. labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.
Gurigan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay Afar Qol. Waxa ugu horeeya waa hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa ku xiga laba qol oo hurdo ah oo kale. Qolka afaraad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 30 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, qol store iyo Suuli Dadweyne. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale in qudhiisa naqshada wax laga badalo, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh.
Allaa Mahad Leh
![]() |
| 1st 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m) by MAJDA |
![]() |
| 2nd 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m) by MAJDA |
![]() |
| 1st 3D Design of Single House with dimensions (12m x 18m) by MAJDA |



Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.