9m by 12m - "Design Naqshad Guri oo Dhex ah" - Attached Buildings

 Faahfaahinta Design-ka 


Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri wacan oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (9m x 12m). Waxaana loogu talo galay in laga dhiso goob siman amba tiiro gaaban leh (gentle slope).

Guriga waxa loo naqshadeeyey  in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh. Guriga wajahadiisu waa 12m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 108 sqm

Gurigan waxa loogu tala galay qoys aan caruur badan lahayn, waxaana uu ka kooban yahay saddex qol oo hurda ah marka lagu daro qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh bath iyo kaba dhigiisii leh. Qolka saddexaad, qolka fadhi ah ma laha. qolka mudanuhana  bedkiisu waa 20 sqm, marka laga reebo bath-ka iyo kaba dhigiisa. 

Gurigani waxa uu ka kooban yahay; saddex qol oo kala ah qolkii lamaanaha (Master Room) oo Bath iyo kaba dhigiisii wata, laba qol kale oo hurdo ah, oo isku mid ah oo midkasta badkiisu yahay 19 sqm.  kichen-kii oo bedkiisu isaguna yahay 10 sqm iyo Suuli dadweynaha ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay daarad bacad danbe oo dharka la iskaga maydho kitchenka iyo suuliga dadweynuhuna ay kusoo jeedaan

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .


Allaa Mahad Leh


1st 3D Design of Single House with dimensions (9m x 12m)  by MAJDA

Comments