Faahfaahinta Design-ka
Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri wacan oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (10m x 12m). Guriga waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh. Guriga wajahadiisu waa 10m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 120 sqm. Waxaana loogu talo galay in laga dhiso goob siman amba tiiro gaaban leh (gentle slope). Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi kara gaadhiga qoyska.
Gurigan waxa loogu tala galay qoys aan caruur badan lahayn, waxaana uu ka kooban yahay laba qol oo hurda ah marka lagu daro qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh bath iyo kaba dhigiisii leh. Qolka saddexaad, qolka fadhiga, oo bedkiisu yahay 18 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 11 sqm, halka qolka mudanuhana uu bedkiisu yahay 16 sqm, marka laga reebo bath-ka iyo kaba dhigiisa.
Gurigani waxa uu ka kooban yahay; saddex qol oo kala ah qolkii lamaanaha (Master Room) oo Bath iyo kaba dhigiisii wata, qol kale oo hurdo ah, qolkii fadhiga iyo cuntada, kichen-kii iyo Suuli dadweynaha ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .
Allaa Mahad Leh
![]() |
| 1st 3D Design of Single House with dimensions (10m x 12m) by MAJDA |


Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.