10m x 18m -- Detached Building -- Naqshad Dhisme Dhex ah

Faahfaahinta Naqshada

 

Designka hoos kaaga muuqdaa waa naqshad Guri Villa ah oo uu cabirka dhulka u uku fadhiyaa uu yahay (10m x 18m). Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 180 sqm.


Gurigan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh. Goobtan oo waliba ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Gurigu waxa uu leeyahay wajahad kaliya oo uu cabirkeedu yahay 10m. saddexda dhinac ee kaleba waa dhisme. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara ilaa tiraba laba gaadhiga.


Gurigan waxa loogu talo galay qoys leh caruur aan sidaasi usii badnayn, waxaana uu ka kooban yahay afar qol oo hurdo ah marka lagu daro hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath-kiisii. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 27 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weynaha  oo gudaha ah. Waxa kale oo intaa kuu raaca kitchen-kii iyo suuli dibada ah. Gurigu saddex dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirkiisu joogiisu yahay 1.8m.

 

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .

 

Allaa Mahad Leh



1st 3D Design of Single House with dimensions (10m x 18m)  by MAJDA



2nd 3D Design of Single House with dimensions (10m x 18m)  by MAJDA

Comments