Faahfaahinta Design-ka
Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa design guri villo ah oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay (9m x 22). Gurigu waxa loo design gareeyey in laga dhiso goob dhex oo wajahad kaliya leh. Gurigu waxa uu leeyhay wajahad 9 m ah. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Gurigu bedka uu ku fadhiyaa waa 198 sqm. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi kara ilaa laba gaadhi oo yar.
Gurigan waxa loogu tala galay qoys caruur badan leh waana sababta loo badiyey ee 5ta qolalka hurdada marka lagu daro qolka Hurdada Mudanaha oo leh Bath Gudaha. Qolka Fadhiga bedkiisu waa 24 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 8.8 sqm, halka qolka mudanuha bedkiisuna yahay 16 sqm.
Gurigani waxa uu ka kooban yahay; 6 Qol oo kala ah Qolkii Lamaanaha (Master Room) oo Bath gudaha ah leh, 4 qol oo kale oo Hurdo ah, qolkii fadhiga iyo cuntada, kichen-kii iyo 2 Suuli dadweynaha). ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba. Waxa loogu talo galay amba dalabkooda uu ahaa family caruur badan leh oo u baahnaa inay dagaan, Maadaama oo uu budget kooban ay haysteen, waa guri aad u wacan oo kuwada filan.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .
Allaa Mahad Leh
![]() |
| 1st 3D Design of (7m x 22m) Building |
![]() |
| 2nd 3D Design of (7m x 22m) Building |
![]() |
| 3rd 3D Design of (7m x 22m) Building |



Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.