Featured post

6 m x 18 m --"Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo ka Dhisan Nus Baloodh"

Faahfaahinta Design-ka 


Naqshada dhismaha ee hoos kaaga muuqdataa waa naqshad loogu talo galay dhisme goobta laga dhisayaa ay tahay (6 m x 18 m). Dhismahani waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya  cabirkeeduna yahay 6 m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Dhismaahan bedka (Plot Area) uu ku fadhiyaa waa 108 sqm.

Building Detials

                L          = 6 m    
                W        = 18 m 
                PA      = 108 sqm
                BC      = 93 sqm
                BCR   = 86 %
                BV      = 384 sqm
                BVP   = 3.5
                Type    = Attached Building

Dhismahan waxa loogu tala galay qoys kiroole ah, waxaana uu ka kooban yahay Saddex Qol,  iyo Kitchenkii. Qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh Bath gudaha ah, qol kale oo hurdo ah oo caruurtu seexato iyo qolkii fadhiga. Ku darsoo dhismuhu wuxuu leeyahay gaadhi galeen cajiiba oo gaadhiga qoyska loogu tolo galay. Kichen-ku waxa uu ku yaalaa ka soo horjeedka gaadhi galeenka.  



Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba se aad u doonayso inaad dookhaaga ciyaarto, ku darsoo amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .



Allaa Mahad Leh

1aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect
1aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect 
 
2aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect
2aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect 

3aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect
3aad:  (Building Design) Naqshad Dhisme Nus baloodh ah by MAJDA Architect 


Comments