- Get link
- X
- Other Apps
Featured post
- Get link
- X
- Other Apps
Faahfaahinta Naqshada
Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Guri ah oo cabir ahaan noqonaysa dhul balac iyo dherer u ah (12m iyo 24m). Gurigu bedkiisu (Plot Area) waa 288 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob koorne oo laba waji leh, isla markaana wajahad ka mid ahi noqonayso 12m halka wajahada kalena noqonayso 18m. Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme.
Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.
Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys balaadhan, waxaana uu ka kooban yahay Lix Qol oo waafiya iyo Kitchen-ka. Hurdada mudanaha (Master Room) ayaa ah qolka 1aad oo wadata bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa ku xiga Saddex qol oo hurdo ah, oo loogu talo galay caruurta iyo martida. Qolka ugu wayni waa qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 29 sqm. Qolka Lixaad, waa qol dukaan loogu talog galay oo ku yaala koornaha Guriga ee ku jeeda isgoyska labada waddo. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, iyo suuli dadweyne dibada ah. Dhismuhu waa jiingad qaris, waana qaab uu saqafka gurigu flash yahay, oo biyaha ay ka soo qaadayaan saaqiyado, waxaana ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh.
Allaa Mahad Leh
![]() |
1aad: 3D Design (12 m by 24 m) -- Naqshad Koorne ah oo Jiingad Qarisa by MAJDA Architect |
![]() |
2aad: 3D Design (12 m by 24 m) -- Naqshad Koorne ah oo Jiingad Qarisa by MAJDA Architect |
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.