- Get link
- X
- Other Apps
Featured post
- Get link
- X
- Other Apps
Faahfaahinta Naqshada
Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Guri ah oo cabir ahaan noqonaysa dhul balac iyo u ah (12m x 18m). Gurigu bedkiisu waa 216 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob koorne oo laba waji leh, isla markaana wajahad ka mid ahi noqonayso 12m halka wajahada kalena noqonayso 18m. Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme.
Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.
Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay Shan Qol. Waxa ugu horeeya waa hurdada mudanaha (Master Room) oo leh bath iyo kaba-dhigiisii. Waxa ku xiga Saddex qol oo hurdo ah, maadaama oo ay reerka guriga loogu talo galay ay caruur badan lahaayeen amba qorshaynayeen ba. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 22 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, iyo suuli dadweyne dibada ah. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh.
Allaa Mahad Leh
![]() |
1aad: (12m by 18m Three Dimentional Design by MAJDA Architect) |
![]() |
2aad: (12m by 18m Three Dimentional Design by MAJDA Architect) |
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.