Featured post

12 m x 18 m -- Detached Building -- "Naqshad Dhisme Aqal Koorne ah"

Faahfaahinta Naqshada

 Naqshada dhismaha hoos kaaga muuqdaa waa naqshad dhisme Guri ah oo cabir ahaan noqonaysa dhul balac iyo u ah (12 m x 18 m). Gurigu bedkiisu (Plot Area) waa 216 sqm. Naqshada dhismahan waxa loogu talogalay in laga dhiso goob koorne oo laba waji leh, isla markaana wajahad ka mid ahi noqonayso 12 m halka wajahada kalena noqonayso 18 m.  Labada dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Goobtan naqshada in laga dhiso loogu talo galay oo ah goob siman oo aan kala dheerayn, amba slope-keedu uu yahay mid gentle ah. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen gaadi kara gaadhiga qoyska.

Building Details

                L          = 12 m    
                W        = 18 m 
                PA      = 216 sqm
                BC      = 179 sqm
                BCR   = 82 %
                BV      = 596 sqm
                BVP   = 2.7
                Type    = Detached Building

Naqshada dhiskan waxa loogu talo galay qoys leh caruur badan, waxaana uu ka kooban yahay shan qol iyo qol kitchen-ka ahHurdada mudanaha (Master Room) oo wata bath iyo kaba-dhigiisii, bedkooduna isku noqonayo 27 sqm. Waxa ku xiga Saddex qol oo hurdo ah, maadaama oo ay reerka guriga loogu talo galay ay caruur badan qorshaynayeen inay dhalaan. Qolka shanaad, qolka fadhiga iyo cuntada oo bedkiisu yahay 37 sqm. Gurigu waxa uu leeyahay suuligii dad-weyne gudaha. Waxa kale oo intaa kuu raaca oo daarada guriga ku yaala kitchen-kii, iyo suuli dadweyne dibada ah. Gurigu afarta dhinacba biyaha ayaa uu u shubayaa oo waxa ku wareegsan deyr uu cabirka joogiisu yahay 1.8m.

 

Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan aad u baahan tahay, amba sidoo kale aad rabto inaad dookhaaga ka ciyaarto oo sida aad rabto laguugu dhiso dhismayaasha, waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka. Ku darsoo hadii aad u baahato qaansheegta guriga amba inta qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskiisu fadlan ha moogaan ee nala soo xidhiidh. 

 

Allaa Mahad Leh



1aad: Naqshad Guri Koorne oo (12 m by 18 m) ah Detached Building.
1aad: Naqshad Guri Koorne oo (12 m by 18 m) ah Detached Building.

2aad: Naqshad Guri Koorne oo (12 m by 18 m) ah Detached Building.
2aad: Naqshad Guri Koorne oo (12 m by 18 m) ah Detached Building.

 

Comments