- Get link
- X
- Other Apps
Featured post
- Get link
- X
- Other Apps
Faahfaahinta Design-ka
Designs-ka hoos kaaga muuqdaa waa Naqshad dhisme guri oo cabirka dhulka uu ku fadhiyaa uu yahay 10m x 13m. Dhiskani bedka uu ku fadhiyaa waa 120 sqm. Dhismahan waxa loo naqshadeeyey in laga dhiso goob dhex ah oo wajahad kaliya leh, waana 10m. Saddexda dhinac ee kaleba waxa ka xiga dhisme. Laba dhinac waxa uu ku qabsan yahay dhismayaasha labada dhinac ka xiga, dhinaca danbena waa uu ka soo go'an yahay. Waxaana loogu talo galay in laga dhiso goob siman amba tiiro gaaban leh (gentle slope).
Building Details
L = 13 m
W = 10 m
PA = 130 sqm
BC = 112 sqm
BCR = 86 %
BV = 511.4 cum
BVP = 3.8
Type = Detached
Dhismahan dhinaca hore waxa uu ku leeyahay dabaq saaran oo ah qol fadhi ah oo saa'ida, oo laga soo korayo dhinaca gaadhi galeenka. Waxaana uu leeyahay gaadhi galeen qaadi kara gaadhiga qoyska.
Gurigan waxa loogu tala galay qoys aan caruur badan lahayn, waxaana uu ka kooban yahay laba qol oo hurda ah marka lagu daro qolka hurdada mudanaha (Master-Room) oo leh bath gudaha. Qolka saddexaad, qolka fadhiga, oo bedkiisu yahay 19 sqm, waana qolka ugu weyn. Qolka ugu yar bedkiisu waa 11 sqm, halka qolka mudanuhana uu bedkiisu yahay 16 sqm, marka laga reebo bath-ka iyo kaba dhigiisa. Qolka 4aad waa qol daba ah ee dusha ka saaran qolka fadhiga waana qol 18 sqm ah oo leh suuli ku dhegan. Dhismahani waxa kale oo uu leeyahay kichen-kii iyo Suuli dadweynaha ah. Ku darsoo gurigu waxa uu leeyhay gaadhi galeen cajiiba.
Hadaba hadii aad u baahan tahay in laguu dhiso guryahan oo kale, amba design-kooda oo faahfaahsan u baahan tahay, amba qiimo ahaan inta uu ku kici karo dhiskoodo waxaad nagala soo xidhiidhaa qaybta Emailka amba Numberka WhatsApp-ka .
Allaa Mahad Leh
![]() |
1aad: 3D Pic Muujinaya Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo G1+ ah |
![]() |
2aad: 3D Pic Muujinaya Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo G1+ ah |
![]() |
3aad: 3D Pic Muujinaya Naqshad Dhisme Guri Dhex ah oo G1+ ah |
Comments
Post a Comment
Let us know what you are thinking about. Your comment will be vissible for public readers.